Sunday, July 13, 2025

Wasiirka Arrimaha Gudaha K/Galbeed: “Dadka lagu dilay Magaalada Marka waxaa ka mida Alshabaab”

Wasiirka arrimaha gudaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya C/raxmaan Adan Sate ayaa sheegay in dadkii ciidamada AMISOM maanta ku dileen magaalada Marko ee gobolka Sh/hoose ay ku jireen xubno ka tirsan kooxda Alshabaab oo gudaha magaalada rasaas ku furay ciidamada AMISOM.

Sate1
Wasiirka arrimaha gudaha Maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya C/raxmaan Adan Sate

Wasiirka oo wareysi caawa siiyay Idaacadda Kulmiye ee Muqdisho ayaa sheegay inay maamulkooda ka xun yihiin kana tacsiyadeynayaan dadka shacabka ah ee ku dhintay magaalada Marka oo tiradooda uu sheegay inay gaartay 18 ruux, halka dhaawacu yahay 6 qof. Wasiirka arrimaha Gudaha K/Galbeed wuxuu sheegay in xaafadda weerarka ay ku qaadeen ciidamada AMISOM ay maalmihii danbe abaabul ka wadeen kooxda Alshabaab oo calankooda ay ka taageen.

Howlgalka ciidamada AMISOM ay saaka ku qaadeen xaafadda dhibaatada ka dhacday ee magaalada Marka ayuu sheegay in lagu doonayay in kooxdaasi meesha looga saaro balse ay rasaas ku fureen ciidamada AMISOM oo rasaastaasi ka jawaabay halkaasina qasaaraha dhacay uu ka yimid.

Mar uu Wasiir C/raxmaan Sate ka hadlay  xaaladda magaalada Marka ayuu sheegay inay isla xaafadii maanta shilka ka dhacay ay ka socoto is urursi kale oo Alshabab ka wadaan, wuxuuna caddeeyay in maamulkii K/Galbeed u magacaabay magaalada Marka aanu xilka weli la wareegin.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON