Monday, June 23, 2025

Wasiirka Caafimaadka oo shaacisay in 4 Qof lagu karaantiilay Garoonka Muqdisho Coronavirus dartiis.

.Wasiirka Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa shaacisay in magaalada Muqdisho lagu karaantiilay afar qof oo cudurka Coronavirus laga baarayo.

Wasiiradda oo ka hadleyay xaflad ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in Garoonka Muqdisho lagu karaantiilay 3 qof oo Soomaali dhalinyaro ah oo diyaarado ay ka keeneen dalal uu ku faafay cudurka Coronavirus, iyado ay weli socdaan baaritaan lagu hayo.

10-11 -ka bishan Maarso ayey sheegtay in diyaarado ay ku yimaadeen Garoonka Muqdisho Afar dhalinyaro Soomaali ah oo la karaantiilay, xaaladooduna wanagsan tahay oo wax calaamad ah aysan ka muuqan, balse cudurka Coronavirus jirka dadka ku jiri karo muddo ilaa 14 maalmood ah, sidaasina loogu karaantiilay gudaha Garoonka si taxadar ah.

Ad

Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegtay inay socdaan baaritaanka lagu hayo dadkaasi ka yimid dalalka u cudurku ku baahay, ayna doonayaan in la hubiyo dadkaasi inta aan lagu sii deyn bulshada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON