Wasiirka Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya Fowsiya Abiikar Nuur ayaa faahfaahin ka bixisay xaaladda cudurka Coronavirus iyo tallaabooyinka ay qaaday dowladda Soomaaliya.
Shir jaraa’ido o Galable laga dhigay, kana dhaca Madaxtooyada, gaar ahaan xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayay Wasiiradda Galabta ka sheegtay in kiisaska dadka qaba cudurak Covid-19 ay gaareen 234 qof.
“Tirada dadka ugu badan ee Cudurku ku dhacayo waxay u badan yihiin dhalinyarrada da’doodu u dhaxeyso 20 ilaa 40 sano jirka, Waa dad intooda badan xoog leh oo difaacooda fiican yahay, laakiin ogaada haddii cudurku jirkaada galo waxaad u gudbinaysaa dadka kale..” ayey tiri Wasiiradda Caafimaadka, waxayna ugu baaqday dadka isku arka calaamadaha cudurka inay guryahooda ku ekaadaan, isla markaana aysan cudurka ku faafin eheladooda iyo shacabka.
Waxay kula talisay dadka isku arka calaamadaha cudurka inaysan qarsan oo ay la soo xiriiraan Telefoonka 449, si talo loo siiyo, lana muujiyo taxadir dheeraad ah.