Friday, April 19, 2024

Maxay ahayd farriintii Midowga Yurub u dhiibay Ra’iisal wasaare Kheyre ee ku socotay Madaxweyne Farmaajo?

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa farriin adag gaarsiiyey Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, taasoo ku socotay madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda dowladda Federaalka.

Kulan looga hadlayay xaaladda Soomaaliya iyo Cudurka Covid-19 oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre warbixin ku siiyey maanta, safiirrada caalamka ee Soomaaliya u jooga iyo wakiillada hay’adaha caalamiga oo ay ku yeesheen khadka Internet-ka ayaa lagu soo qaaday xaalada Warbaahinta dalka iyo cadaadis ay dowladda Soomaaliya ku heyso saxafiyiinta.

Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegay in farriinta ay Beesha caalamka iyo Midowga Yurub gaarsiiyeen Ra’iisal wasaaraha iyo madaxda Dowladda Soomaaliya ay ahayd in is-dhaliilku yahay qeyb ka mida habka dimoqraadiyadda u shaqeyso.

Ad

“Shirkii Muuqaalka ahaa ee Ra’iisal wasaare Kheyre la yeeshay Beesha Caalamka, farriinta Midowga Yurub waxay ahayd: Dhaliishu waxay ka mid tahay habka dimoqraadiyadda” ayuu yiri Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo intaas ku datay in ciriiri gelinta xoriyadda fekerka aysan noqon karin dhibaato kale oo weyn, hadii saxafiyiinta ay xog khalad ah baahiyaan aan lagu wajahin xabsi.

Dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa muddooyinkii danbe la soo baxday cadaadis ay saartay saxafiyiinta oo qaar badan ay xirtay, kuwana dhibaatooyin ka soo wajaheen.

Safiirka Midowga Yurub oo dowladda uga digay Caburinta ...
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON