Monday, June 23, 2025

Wasiirka Cadaaladda oo maanta hortegaya Baarlamaanka (Magacyada Guddiga Adeegga Garsoorka)

Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/laahi Axmed Jaamac(Ilka-jiir)  ayaa maanta hortegaya Baarlamaanka Soomaaliya kadib markii looga yeeray si wax looga weydiiyo arrimo ay ka mid yihiin xaaladda garsoorka dalka, dhismaha guddiga adeegga garsoorka iyo xaaladda xabsiyada dalka.

Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/laahi Axmed Jaamac(Ilka-jiir)
Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/laahi Axmed Jaamac(Ilka-jiir)

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kala diray bishii May Guddigii adeegga Garsoorka ee hore iyadoo ka dalbaday xukuumadda iyo Baarlamaanka inay degdeg u dhisaan Guddiga Adeegga Garsoorka, arrintaas oo uu ka hor yimid Guddoomiyaha Maxkamaadda Sare Ceydiid C/llaahi Ilka-xanaf.

Dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka oo ah guddiga ugu muhiimsan ee Cadaaladda dalka ayay dowladda Xasan Sheekh ku fashilantay inay sameyso intii ay xilka heysay, Xukuumadda Soomaaliya ayaa 7 May 2015 soo magacawday 7 xubnood oo ka mida Guddiga Adeega Garsoorka, iyadoo ay weli harsan yihiin laba xubnood oo ka harsan jagooyinkoodana aanay jirin.

Ad

Magacyada Guddiga Adeega Garsoorka:

1. Mudane Caydiid C/laahi (Ilka-xanaf) Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

2. Dr. Axmed Cali Daahir Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka.

- Advertisement -

3. Avv. Maryam Xaaji Cilmi Maxamuud (Ururka Garyaqaanada).

4. Avv. Shariif Sheekhunaa Maye (Bulshada Rayidka)

5. Prof Ciise Axmed Warsame (Ururka Garyaqaanada Soomaaliyeed)

6. Mudane Axmed C/laahi Xuseen (Bulshada Rayidka)

- Advertisement -

7. Sheekh Cismaan Ibrahim Axmed  (Bulshada Rayidka)

 

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON