Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Kenya u diray hambalyo ku saabsan inay ku guuleystay Kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Amniga oo ay tartan adag kula gashay dalka Jabuuti.
Wasiir Cawad ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri: “Anigoo ku hadlaya magaca dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan Kenya ugu hambalyeynayaa in loo doortay kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammanka Q/Midoobay. Waxaan hubnaa inay Kenya meteli doonto danaha Gobolka..”
Kenya ayaa laba cod oo kaliya Jabuuti uga heshay Kursiga oo loolan adag dhex maray, iyadoo wareeg kale loo baahday shalay markii ay ku guuleysan weyday wareegii koowaad ee Arbacadda.

Somalia ayaa dadaal badan u gashay inay Jabuuti ku soo baxdo kursigan, waxaana cabsi laga qabaa inay Kenya xilkan u adeegsato saameyn ay ku yeelato dacwadda Xuduuddka Badda ee kala dhaxeysa Soomaaliya oo hadda taalla Maxkamadda ICJ, isla markaana marar badan dib loo dhigay.