Wednesday, June 25, 2025

Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga oo shaaciyey Qorshah uu ku howlgelayo [Dhageyso]

Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa shaaciyay qorshaha uu doonayo inuu ku howlgalo marka uu xilka la wareego.

Wasiirka oo xilal kala duwan hore u soo qabtay sida wasiir iyo safiir u sheegay warbaabinta dowladda in howsha ugu horeysa ee hortaaalla ay tahay Dhismaha iyo Qalabeynta Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay uga guuleystaan kooxaha nabadiindka ee ay dagaalka kula jiraan.

Wasiir Maxamed Mursal Sheekh ayaa shaqada ugu weyn ee wasaaradiisa hortaalla ku sheegay inay tahay sidii dalka looga saari lahaa  Maleeshiyada argagixisada Alshabaab, isagoo intaasi raaciyey in qorshaha Iskudhafka Ciidamada Qaranka ee ay bilowday Dowladda Federaalka Soomaaliya uu ahmiyad weyn ugu fadhiyo xasilinta amniga guud ee Dalka.

Wasiirka oo dhowaan loo dhaariyay xilkan ayaa lagu wadaa inuu la wareego xafiiska wasaarada Gashaadhigga oo dhowr bilood ahayd wasiir la’aan.

Dhageyso

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON