Thursday, June 26, 2025

Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga Soomaaliya oo xilka loo dhaariyay

Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta yeeshey kulankoodi caadiga ahaa, iyadoo uu shirka goobjoog ka ahaa Wasiirka cusub ee Difaaca Soomaaliya oo shalay la magacaabay.

Kulanka waxaa shir guddoominayey guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari), waxaana xilka cusub ee loo magacaabay loo dhaariyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Dhaarinta ka dib ayaa Wasiirka Difaaca Soomaaliya waxaa la gula dardaarmay in uu si hufan u guto waajibaadka horyaala Wasaaradda Gaashaandhiga iyo u adeegista shacabka Soomaaliyeed.

Shalay ayay ahayd markii wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre loogu magacaabey Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan in uu noqdo Wasiirka Gaashaandhiga, isagoo bedelay wasiirkii hore C/rashiid C/llaahi Maxamed.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON