Thursday, March 28, 2024

Wasiirka cusub ee Warfaaafinta Soomaaliya jawaab culus u diray Siyaasiga Feysal Cali Waraabe

Wasiirka cusub ee Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa u jawaabay siyaasiga Feysal Cali Waraabe oo shir uga qeyb galay magaalada Nairobi ku booriyey beelaha Dir inay ka qeyb galaan awood qeysiga Dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inay caadi tahay shirarka beelaha, laakiin ay ka dhex muuqdaan siyaasiyiin 30 sano hortaagnaa midnmada Soomaalida inay Nariobi ka raadiyaan sidii ay daaqada uga soo geli lahaayeen siyaasadda Soomaalia oo 30-ka sano ay caynayeen.

“Dad badan baa i soo weydiiyey shir ka’ dhacay Nairobi oo beelo Soomaaliyeed ku shireen. Waa wax la fahmi karo in dhaqan ahaan Beeluhu u shiraan, Laakiin waxa indhaha dadweynuhu gaar u qabteen Nimankii midnimada Shacabka Soomaaliyeed hortaagnaa 30ka sano, ee weliba cuqdadda iyo xumaanta ku dhex beerayey, ee laga kari waayey walaalayaalow kaalaya oo Soomaali oo isku dhan taladeeda ka qayb-qaata in ay hadda shirarka beelaha iyo Nairobi ka dhex raadinayaan sidii ay habeen madow iyaga oo dhuumanaya daaqad uga soo geli lahaayeen siyaasaddii Soomaaliya ee ay 30 ka sano caayayeen. Odayadaas dhuumanaya waxan leenahay soo dhowaada walaalayaal, Albaabadu weli way furan yihiin” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya.

Ad

Beesha Dir oo War kasoo saartay Doorashada Soomaaliya (Maareeye & Feysal Waraabe oo ka wada qeyb galay..)

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON