Thursday, May 2, 2024

Wasiirka Dastuurka oo Ceeb ku tilmaamay sawir ay Mucaaradka ku galeen Guriga Qeybdiid & Jawaab culus

Wasiirka Dastuurka xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa sawir ceebeed ku tilmaamay muuqaal ay wadajir Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) ku galeen siyaasiyiinta iyo xildhibaanno booqday.

Wasiir Xoosh oo ka mida mas’uuliyiinta baraha bulshada adeegsata ayaa sawirkaasi inuu yimaado 27 sano ka dib aafadii ka dhacay Soomaaliya 1991 ku tilmaamay mid aan loo fadhin, wuxuuna sheegay inay falkaasi uu yahay wax kaga xumaado.

Inkastoo Wasiirka Dastuurka aanu faahfaahin sababta uu ku qoonsaday sawirka ayaa haddana ay muuqataa inay siyaasiyiinta ku jiray ahaayeen kuwo hal beel kasoo jeeda, halkii si Soomaalinimo ah loo booqan karaa Senatorka.

Ad

Saacad kadib farriinta Wasiir Xoosh waxaa jawaabo culus iyo kuwo meel dhexaad ah bixiyey qaar ka mida siyaasiyiinta iyo xildhibaannada sawirka ka muuqday. Kamaal Daahir Guutaale oo ka mida saaxiibada wasiir Xoosh ayaa ku jawaabay inuu ku faanayo sawirkaasi uuna ahaa mid ay ku garab taagan yihiin Senator Qeybdiid oo ciidamo ka tirsan dowladda ay ku xadhgudbeen.

Xildhibaan Axmed Fiqi oo dagaalyahan dhinaca afka ah ayaa xaaladda uga sii daray markii uu jawaab ka culus farriin Wasiir Xoosh baraha bulshada soo dhigay, wuxuuna weerar culus ku qaaday wasiirka, isagoo yiri: Haddii wasiir dawladda ka tirsan uu sidaas foosha xun u hadlayo muxuu uga duwan yahay kuwii soo weeraray, aad ayaan ugu faraxsanayn inaad u muujinno Senator Qeybdiid inaan la qeybsanayno dhibka asaga & qoyskiisa loo geystay. Xooshna memory-giisii qaldan in uu iska delete gareeyo ayaa u roon oo uu qabto 2018 & in sharciga iyo dastuurka dalka la ilaaliyo…”

Wasiirka Dastuurka ayaa u muuqda inuu mar kale shiday baraha bulshada oo muddooyinkii danbe ay qabsadeen dad ay xiskooda ku xardhan tahay 1991 una ooman dooda qabyaaladeed la siyaasadeeyay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON