Friday, June 27, 2025

Wasiirka Gaashaadhigga Soomaaliya oo war ka soo saaray weerarkii Alshabaab ee Ceelcade

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya  C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa  si adag u cambaareeyey weerarkii ay kooxaha Argagixisadu saaka aroornimadii  ku qaadeen saldhig ciidanka AMISOM ee Kenya iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeed ku  leeyihiin deegaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo.

Wasiirka oo Weerarka ka hadlaya ayaa yiri: “Weerarada naf la caariga ah ee kooxaha Argagaixisadu ka geysanayaan dalkeena, marna uma hakan doonaan in Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo AMISOM wada jira dalka  uga sifeeyaan cadowga ummada Soomaaliyeed iyo kan gobolka.

“Cadowga Ummada Soomaaliyeed waxaan u sheegaynaa in tilaabooyinkan qalafsan aysan noqon doonin kuwa looga haro, Ciidankuna diyaar u yihiin ka difaacaan dalka iyo dadkaba kooxaha nabad-diidka ah”.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON