Friday, July 4, 2025

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliya oo Calanka Itoobiya loogu huwiyay Magaalada Baardheere

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Diini oo maanta socdaal shaqo ku tegay magaalada Baardheere ee gobolka Gedo oo dhowaan laga saaray kooxda Alshabaab oo muddo 7 sano gacanta ku heystay ayaa marti u noqday xaalad uusan fileyn kadib markii ciidamo Itoobiyaan oo ku soo dhoweeyay ay calankooda dushiisa dhigeen.

Sida ka muuqata sawirro laga soo qaaday soo dhoweyntii Baardheere ee wasiir Diini waxaa goobta la keenay saddex calan laba ka mida ay yihiin calanka Itoobiya iyo calanka milateriga Itoobiya, waxaana ku dhex jiray calanka Soomaalida oo labada dhinac looga hareereeyay calamada Itoobiya.

Wasir-Diini iyo Bardhere

Ciidamada goobta ku sugnaa ayaa aha ciidamo aan ka mid ahayn AMISOM, waxayna arrintan weji gabax ku tahay dowladda Soomaaliya oo ka gaabsatay faragelinta Itoobiya ka wado goboladda dalka iyadoo la ogyahay in isbedel ay ku sameysay maamulkii gobolka Gedo oo mas’uuliyiintii gobolkaasi ay xirtay kadibna masaafuray.

Wasir-Dini-Bardhere

Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa dhowaan lagu eedeeyay inay iyagoo aan ka mid ahayn AMISOM ay howlgallo ka sameeyeen gobolka Hiiraan, kadibna ka baxeen tuulada Halgan oo Alshabaab dib u qabsatay, arrintaas oo taliska AMISOM ee gobolka Hiiraan ay cabasho ka muujiyeen.

Dini

Maamulka Axmed Madoobe oo taageero ka helaya Itoobiya ayaa dadaal weyn ugu jira inuu maamulka gobolka Gedo hoos geeyo Kismaayo iyadoo arrintaas fulinteeda uu halkaas u joogo C/llaahi Fartaag.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON