Wednesday, June 25, 2025

Wasiirka Garsoorka ma dhisi karaa Maxkamadda Dastuurka?!

Waxaa maanta ka furmay Muqdisho shir  la sheegay in looga hadlyo:

Xeerka nidaamka   garsoorka,

Xeerka  samaynta maxkamada  dastuuriga  ee dalka

iyo  Qorshaha  hirgelinta   dib u howl  galinta   hay’adaha   cadalaadda

Shirkan oo uu soo qabanqaabiyay wasiirka caddaaladda Faarax Sheekh C/qaadir ayaa la isugu yeeray dadweyne kala duwan oo sharci yaqaano iyo dad kale ka kooban sidal culimaa’diin iyo bulshada rayidka ah.

Waxay xogta Goobjooge.com sheegeysaa in shirkan ujeedka ugu weyn ee laga leeyahay uu yahay dhismaha maxkamadda Dastuuriga oo ah arrin muddo dheer hortaagneyd dowladda madaxweyne Xasan Sheekh, lagana cabsi qabay awoodda maxkamadaasi haddii la dhiso.

Wasiir  Faarax ayaa u muuqada inuu mar kale u bareerayo arrin culus oo sharci ahaan aan isagu lahayn, kadib markii uu u guuleystay inuu Sharciga adeegga garsoorka marsiiyo Baarlamaanka. xilkana ka qaado  xeer ilaaliyihii hore ee Qaranka iyo magacaabidda xeer ilaaliyaha cusub.

Arrinta shirka maanta loo furtay  ee ah dhismaha maxkamadda Dastuurka ayaa waxaa gebi ahaanba leh oo howshaasi uu siinayaa dastuurka KMG ah ee dalka GOLAHA ADEEGGA GARSOORKA oo aan shirkani cidna ka joogin.

Dastuutka KMG ah ee Soomaaliya
Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya

Lama oga sida Golaha adeegga garsoorka uga jawaabi doono arrintan laakiin golaha laf ahaantiisa ayaa fartu ku godan tahay. Waxayna tallaabadan cusub muujineysaa sida madaxweyne Xasan Sheekh iyo saaxiibadiis xilka la haya ay uga tumanayaan sharciga dalka.

 

 

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON