Sunday, June 22, 2025

Wasiirka Maaliyadda DFS oo shaaciyay xilliga lagu dhawaaqayo Go’aanka Deyn cafinta

Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige ayaa shaaciyay xilliga Bankiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta ee IMF ku dhawaaqayaan ugu danbeyn in Soomaaliya laga cafiyay Deynta.

Wasiirka oo safar dibadda ah kasoo laabtay ayaa faahfaahin ka bixiyay warbixintii ugu danbeysay ee hannaanka deyn cafinta Soomaaliya, isagoo sheegay in ugu danbeyn go’aanka lagu dhawaaqi doono Bisha Disembar ee sandkan.

“Waxaan rabaa in Deyn cafinta uu dhammaanayo bartamaha Bisha Disembar ee soo socota. Muddo bil iyo bar ah ayaa naga xigta, dhammaan shuruudihii dhinaceena waa soo dhammaadeen, kaliya waxaan sugeynaa go’aanka oon fileyno inuu soo bixi doono; waxaan rabaa in dadka loogu bishaareeyo” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Ad

Deyn cafinta ayuu sheegay inay ka dhalaneyso in dowladu is wado oo kharashka dowladda laga helo gudaha, taasoo uu sheegay in horumar laga gaaray oo 25% uu kordhay Dakhliga Gudaha Afartii Bilood ee ugu danbeysay.

Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan ayaa caddeeyay in la maareeyay canshuur dhaafka la sameeyo oo dhibaato weyn ka taagneyd, taasoo ka mida sababaha keenay inuu dakhliga gudaha kor u kaco.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON