Sunday, July 13, 2025

Wasiirka Maaliyadda oo shaaciyey Guushii ugu weyneyd ee Dowlada ka gaartay Deymaha Dibadda

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaliya Dr C/raxmaan Ducaalle Beyle oo shaaciyay natiijadii ka soo baxday shir uu Magaalada Nairobi kula soo yeeshay madaxda hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF.

Wasiirka ayaa sheegay in guul weyn laga gaaray wadahadalkii Somalia iyo IMF ayna filayaan in deymaha lagu leeyahay Soomaaliya laga dhaafo, isla markaana la maalgashado Soomaaliya, wuxuuna intaas ku daray in Dowladda ay ka soo baxday waxyaabihii looga baahnaa dowladda si loo siiyo deymo iyo deeqo dhaqaale.

Wasiir Bayle wuxuu caddeeyay in horumar ka sameysay habka maamulka ilaha dhaqaale ee Dowaldda Soomaaliya bilihii la soo dhaafay, kadib markii madaxda Hey’adda Lacagta aduunka ay ku qanceen qaabka maamulka Maaliyadeed ee Dalka ee Wasaaradda Maaliyadda

Wasiir Beyle ayaa sheegay in horumarka ay dowladda Soomaaliya arrintan ka gaartay uu la wadaagay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, kuna wargeliyay in Soomaaliya ay cagta saartay jidkii deymaha lagu leeyahay looga cafin lahaa.

“Waxaa sharaf ii inaan si guul ah usoo gabagabeyno barnaamijka SMP ee Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) oo nagu ridaya jidkii daymaha nalooga cafin lahaa. Waan sii xoojineynaa dadaalkeenna si aan dalka iyo dadka u hormarinno..” ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON