Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa si kulul u beeniyay warar ay qoreen saxaafadda qaarkeed oo ku saabsan inuu khilaaf kala dhaxeeyo Ra’iisal wasaaraha.
Wasiir Beyle oo farriin soo dhigay bartiisa aya sheegay inaysan waxba ka jirin wararka ay qoreen saxaafadda aan mas’uulka ahayn sida uu yiri, ayna xoogga saarayaan dib u dhiska dalka.
“Warka beenta ah ee ay baahisay warbahinta aan xilkaska ahayn ee la xariira muranka Ra’iisal wasaaraha waa khalad. Waxaan diiradda saaraynaa dib u dhiska Somalia..” ayuu farriintiisa ku yiri Wasiir Beyle ioo jawaab degdeg ah ka bixiyay wararka ku saabsan wasaaradiisa iyora’iisal wasaaraha.
Garyaqaanka guud ee dowladda ayaa soo saaray arrimo uu ku sheegay sharci darro ay ka mid tahay inuu faraha la galay shaqadii wasaaradda Maaliyadda iyo maamulka Miisaaniyadda.
Goobjooge.com