Sunday, June 22, 2025

Wasiirka Maaliyadda oo xilkii ka qaaday Maamulaha Furdada Xamar ee Muqdisho

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa xilkii ka qaaday maamulihii Furdadda Xamar (Qeybta Canshuuraha), isagoo magacaabay maamule cusub.

Wareegto kasoo baxday Wasiir Beyle 10-kii Bishan November 2021 ee shalay ayaa xilka maamulaha Furdadda u magacabay Maxamed Cabdi Colaad, wuxuuna xilkaasi ka qaaday Xasan C/casiis Axmed oo xilkani soo hayay muddo 2 sano ah.

Xil ka qaadista iyo magaacaabista mas’uuliyiinta xukuumadda iyo Hay’adaha dowladda ayaa si xowli ah ku socda xiiligan kala guurka ah oo xukuumadda xilgaarsiinta ay ahayd inaysan sameyn wax isbedel ah.

Ad

Magacaabidda xilalka ayaa gaartay heer wasiirro, waxayna hoos ugu socotaa agaasimeyaasha guud, kuwa waaxyaha iyo heerka labaad ee madaxda dowladda. Wararka aya sheegaya inuu arrintan ka danbeeyay Ra’iisal wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo rag saaxiibo ah muddooyinkan danbe u dhiibaya xilalka muhiimka ah ee wasaaradaha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON