Monday, June 23, 2025

Wasiirka Maaliyadda shaaciyey in laga noqday Mashruucii uu saxiixay ee Dib u-dhiska 4-ta Magaalo.

Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in laga noqday heshiiskii uu shalay la saxiixay maamulka Gobolka Banaadir ee ku saabsanaa dib u dhiska afarta magaalo ee Muqdisho, Garowe, Kismaayo iyo Baydhaba.

Wasiirka ayaa u sheegay warbaahinta in Mashruucaasi go’aan lagu gaaray in dib loo dhigo oo la isugu yeero Gobolka Banaadir iyo dhammaan maamul Goboleedyada, laguna casuumo Bankiga adduunka, iyadoo laga wada qeybgeli doono, kadib markii ay cabasho kasoo noqotay.

“Mashruuca waa mid weyn oo ku filan Muqdisho iyo maamul Goboleedyada.. waxaana go’aan lagu gaaray in loo kaadiyo, kadibna la isugu yeero dhammaan dowlad Goboleedyada iyo ciddii ay quseyso ee Bankiga adduunka.. Marka waxaan shacabka u sheegayaa in mashruucaasi dib loogu noqonayo oo la isla eegayo, lana hubin doono in cid waliba laga wada qeyb galo..” ayuu yiri wasiirka Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya.

Saacado kadib markii heshiisyaasi la shaaciyey ayuu joojiyey Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, wuxuuna ahaa mashruuc dib u dhis ah oo uu maalgelinayo Bankiga Adduunka iyadoo loo qoondeeyay lacag dhan 112 Milyan oo Doolar.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON