Monday, July 14, 2025

Wasiirka Maaliyadda Somalia oo shaaciyay Hal imtixaan oo Soomaaliya uga haray in laga cafiyo Deynta

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Beyle oo maanta shir jaraa’id oo bille ah ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in hal imtixaan uga haday Soomaaliya in laag cafiyo deynta lagu leeyahay.

Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaraddiisa ay dadaal badan ku bixinayso sidii loo mideyn lahaa Canshuuraha dalka, loona heli lahaa nidaam canshuureed oo ka dhaxeeya dalka Soomaaliya marka laga reebo Somaliland, taasoo fure u ah in deynta lagu leeyahay laga cafiyo Soomaaliya.

Wasiir Beyle ayaa sheegay inay kulamo joogto ah yeeshaan wasiirada maaliyadda maamul goboleedyada oo sanadkiiba ay mudd afar jeer iyo ka badan ah isu yimaadaan, wuxuuna intaas ku daray inuu rajo ka qabo in dalka laga hirgeliyo canshuur dalka oo dhan si siman looga hirgeliyo.

Wasiirka ayaa waxqabadka Wasaaradda Maaliyadda ku sheegay inuu horumar weyn ka gaaray dakhli ururinta, isla markaana si weyn loo soo dhoweeyay tallaabooyinka ay ku dhqaaqday wasaaradda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON