Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaa shaqadii ka joojisay Weriye Jaamac Yuusuf Jaamac (Deperani) oo ka tirsan Telefeshinka Somali Channel xafiiska Garowe, waxaana qroaal ka soo baxay wasiirka oo saxaafadda loo diray lagu baahiyay arrintan.
Qoraalka waasaradda oo uu ku saxiixan yahay wasiirka warfaafinta Maxamuud Xasan Soocade waxaa lagu sheegay in ilaa amar danbe shaqadii laga joojiyay weriyahan iyadoo sababta lagu soo gaabiyay “ARRIMO JIRA DARTOOD”.
Weriye Jaamac Daparaani oo ay weriye da’ yar oo firfircoon ayaa ayaa boggiisa Facebook ku sheegay in wasaraddu ugu hanjabtay in shaqada laga joojinayo, iyo barnaamijkiisa Deperani Show. Waana tallaabo la yaab leh oo aan hore loo arag in weriye si toos ah loo abaaro.
Arrintan ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay saxafiyiinta degaanada Puntland ka howlgala, waxaana ay ugu danbeysay amarro kasoo baxayaya dhowaanahan wasiir Soo-cade oo Puntland ka dhigay mid ka mida maamulada ugu dulqaadka liita dhinaca saxaafadda.
Hore ayuu weriye Daparani u sheegay in Wasaaradda Warfaafinta Puntland ay shaqada ka joojin doonto
Goobjooge.com