Wasiirka Waxbarashada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cismaan ayaa sheegay in Wasaaradiisa aysan aqoonsaneyn Jaamacadaha ku yaalla dalka oo ay ku jirto jaamacadda umadda ee dowladdu gacanta ku heyso.
Wasiirka ayaa ku dooday in in Jaamacadaha dalka ku yaalla keliya ay siiyeen aqoonsi ay ku shaqeeyaan, balse aanu jirin aqoonsi rasmi ah oo Jaamacadnimo ay u aqoonsan yihiin, taasoo ay ugu wacan tahay inay dalka ka jiraan jaamacado fara badan oo laga doonayo inay buuxiyeen shuruudo fara badan.
“Ma jirto Jaamacad aan aqoonsannahay oo Jaamacad ahaan aan dhihi karno Jaamacadani waan aqoonsanahay tayada waxbarashada ay bixineyso, sababtoo ah waxaan qiyaaseynaa jaamacado badan oo dalka ku yaal inay soo buuxinayaan heerarka caalamiga ah.” ayuu yiri Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.
Wasiir C/raxmaan ayaa sheegay in xitaa Jaamacadda Umadda ay ka mid tahay,taas oo hoostagta Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in marka la isu tago,qodobo la dejiyo islamarkaana lagu heshiiyo ay bilaaabi karaan aqoonsiga Jaamacadaha.
HOOS KA DHAGEYSO