Sunday, July 13, 2025

Wasiirka Waxbarashada oo Hal sano ku kordhiyay Ardayda gelaya Jaamcadaha & Maadooyinka..

Wasiirka Waxbarashada xukuumada Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir ayaa soo saaray wareegto ardayda ka baxday Dugsiyada Sare ku amreysa inay maraan sanad cusub oo waxbarasho ah, inta aysan gelin jaamacadaha dalka.

Amar Wasiirka ayaa sabab looga dhigay tirada badan ee kasoo baxda Dugsiyada Sare ee dalka iyo Caqabadaha heysta, waxaana sanadkan oo lag uqaadanayo laba semester wasiirku sheegay in lagu qaadanayo maadooyinka soo socda:

1. Laga billaabo sannad-dugsiyeedka 2023/2024, dhammaan ardayda doonaysa inay galaan tacliin jaamacadeed, waa in ay maraan hal sano oo waxbarasho asaasi ah (Foundation Year).

2. Sannadka waxbarashada asaasiga ah, waxa uu ka kooban yahay laba semester, oo aan ku jirin muddada afarta sano ama ka badan ee waxbarashada heerka koowaad ee jaamacadda.

3. Maaddooyinka lagu dhigayo Sannadka Waxbarashada ce asaasiga ah, waa in ay ka mid noqdaan: Afka Soomaaliga (oo ay ku jiraan suugaanta, dhaqanka iyo taariikhda), Afafka Carabiga iyo Ingiriiska (ama luqadda uu ardayga ku qaadan doono waxbarashadiisa jaamacadeed), Daraasaadka Islaamka (Fahamka guud iyo akhlaaqda Islaamka), Xirfadaha Habqoraalka Akadeemigga ah, Xirfadaha Xallinta khilaafaadka, Xiriirka Bulshada iyo Hab-fekerka Naqdineed (Critical Thinking)

4. Wasaaradda Waxbarashada oo kaashanaysa khubarada Jaamacadaha Soomaaliyeed, waxa ay gacan ka gaysanaysaa dhismaha saabka manhajka sannadka waxbarashada asaasiga ah ee heerka jaamacadeed.

Ma cadda in Maadooyinkan loo diyaariyay manjah, inay jaamacadaha dalka u diyaar garoobeen iyo inay tahay degdeg soo baxay xilligan, waxaase muquata in ardayda uu culeys ku yahay, halka Jamacadaha usoo kordhi doono waqti iyo dhaqaale cusub.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON