Monday, June 23, 2025

Wasiirka Waxbarashada oo shaaciyey xilliga la soo saarayo Natiijada Imtixaanka Dugsiyada Sare

Sii-hayaha wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdullaahi Goodax Bare ayaa shaaciyey xilliga la shaacin doono natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee dowladu qaaday oo dib u dhac ku yimid.

Wasiirka ayaa sheegay in bilowga toddobaadka soo socdo ay wasaardadu shaacin doonto natiijada rasmiga ah ee imtixaanka Dugsiyada Sare ee dalka, isagoo intaas raaciyey inuu imtixaanka ka duwanaa imtixaannadii hore, taasoo ay ugu wacneyd Xaaladii ka dhalatay cudurka Covid-19.

Isagoo ka hadlayey kulan dhexmaray ardayga ayuu sheegay in Imtixaanka sanadkan laga keenay dhammaan fasallada Dugsiyada sare, laakiin loo badiyey fasalka 4-aad ee ugu dabeeya, iyadoo macalimiin badan lagu kordhiyey sixitaankiisa. Waxaa imtixaanka galay in ka badan 34-kun oo arday.

Mar uu ka hadlay wasiir Goodax Manhajka Waxbarashada Dowladda ayuu caddeeyay in Ardayda Qoysaska Danyarta la siin doono buugaagta manhajka si ay u helaan fursadooda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON