Xarunta Baarlamaanka Federalka waxaa goor dhoweyd ka furmay kulan ay xildhibaannada Baarlamaanka su’aalo ku weydiinayaan wasiirkii afraad ee hor yimaada oo ah Wasiirka Difaaca xukuumadda Soomaaliya.
Fadhiga waxaa maanta shir guddoominaya guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Shacabka C/iweli Sheikh Ibraahim Muudeey, waxaan wehliya guddoomiye ku- xigeenka labaad Mahad Cabdalla Cawad, iyadoo ay soo xaadireen xildhibaano badan oo kooramku ku furmay.
Ajendaha fadhiga Baarlamaanka ee maanta aya kaaliya ku kooban su’aalo weydiinta wasiirka Wasaaradda Difaaca xukuumadda Somaaliya Xasan Cali Maxamed iyo taliyeyaasha la socda.
Wasiirka difaaca ayaa warbixin siiyey Baarlamaanka, waxaaba bilowday su’aalaha la weydiinayo, iyadoo uu wehliyi wasiir ku xigeenka Wasaaradda iyo taliyaha ciidamada Qalabka sida.


