Sunday, July 13, 2025

Wasiirkii Gaashaandhigga & Taliyihii ciidamada Afghanistan oo xilalkii iska casilay

Wasiirkii Gaashaandhigga iyo Taliyihii ciidamada Afghanistan ayaa is-casilay kadib weerarkii dhimashada badnaa ee Jimcihii lagu qaaday saldhigga Mazar-e-Sharif.

Weerarka ayaa agu dilay ugu yaraan 140 askari, tiro 100 kalena lagu dhaawacay, wuxuuna ahaa weerarkii ugu qasaaraha badnaa ee soo gaaray ciidamada dalka Afghanistan.

Kooxda Taaliban ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaasi oo lala beegsaday qeybta 209-aad ee Shaheen ee ciidamada Afghanistan, kana dhacay magaalada waqooyi ee Mazar-e-Sharif.

Hadal kooban oo maanta kasoo baxay xafiiska madaxweyne Ahsraf Ghani ayaa lagu yiri “Wasiirka gaashaandhigga Abdullahi Habibi iyo madaxii ciidamada Qadam Shah Shahim ayaa si deg deg ah isku casilay, madaxweynuhuna wuxuu aqbalay is-casilaadooda”.

Saraakiisha Afghanistan iyo goobjoogeyaal ayaa sheegay in koox ka kooban toban qof oo si xooggan u hubeysan, qaarkoodna is-miidaamiyeyayaal yihiin ay fuliyeen xasuuqii dhacay jimcihii, markaasi oo ay beegsadeen boqolaal ciidan oo ka baxayey salaad ay ku tukanayeen masjid ku dhex yaalla xerada ciidan.

Mas’uuliyiinta Afghanistan ayaa illaa iyo hadda diidan inay xaqiijiyaan tirada rasmiga ah ee khasaaraha ka dhashay weerarkaas.

SourceVOA

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON