Friday, April 19, 2024

Weriye Caan ah oo u xiran Shirkad Ganacsi & Warbaahinta Muqisho oo ka hadli karin [Akhri sababta]

Weriyaha caanka ee dhinaca xayeysiinta iyo wacyi-gelinta bulshada C/llaahi Muuse Kalgacal ayaa muddo bil ku dhowaad ah u xiran mid ka mida shirkadaha ugu awoodda badan Soomaaliya.

Weriye Kalgacal ayaa 28-kii bishii Maarso koox Boolis ah ka xireen maqaayada hooyooyinka, iyagoo ku xiray xarunta dembi baarista CID-da ee magaalada Muqdisho.

Sababta loo heysto weriye Kalgacal ayaa lagu sheegay inay soo dacweysay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, taasoo ka cabatay warar uu ka qoray, waxaana ay awooddeeda u adeegsatay in weriyahan loo awood sheegto.

Ad

Arrimaha la yaabka leh ayaa noqotay inaan wax maxkamad ah la soo taagin, isla markaana aan la araag, lana maqlin cid u doodeysa ama soo hadal qaadeysa Warbaahinta Muqdisho iyo ururrada sheegta inay u doodaan xuquuqda saxafiyiinta.

Sababta keentay in warbaahinta Muqdisho ku dhiiraan waayaan ka hadalka xariga weriye C/llaahi Muuse Kalgacal ayaa la sheegay inay tahay xiriirka ay la leeyihiin shirkadda shirkadda Hormuud iyo dhaqaalaha ay ka helaan.

Hay’adaha Garsoorka, wasaaradda Warfaafinta iyo madaxda sare ee dowladda ayaan soo faragelin arrinta lagu heysto weriye Kalgacal ee mudadda Bisha ah xoriyadiisa looga qaaday.

- Advertisement -

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON