Wasiirkii hore ee Amniga xukuumadda Soomaaliya, ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka C/risaaq Cumar Maxamed ayaa si weyn u dhaliiley howlgalka amniga ee caasimadda ka socda.
Xildhibaanka aya sheegay inuu yahay qorshe iyo istiraatijiyad khaldan in jid-gooyo ka dhigo wadooyinka oo magaalada la kala jaro la dhigo khad cagaaran si loo difaaco madaxda, wuxuuna soo jeediyey in sugudda amnigu u baahan tahay qorsha ka qaro weyn arrimahaasi.
“In jid-gooyo cusub iyo koontaroolo la dhiso, magaalada Muqdishana lagu kala qeybiyo khad cagaaran si loo difaaco madaxda dowladda waa istiraatiijiyad khaldan. in nabad la helo sidaasi waa ka weyn tahay waxayna u baahan tahay qorshe amni oo lagu difaaco muwaadiniinta magaalada ee maaha in la difaaco dadka madaxda ah..” ayuu yiri Wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda oo ka mida xildhibaannada ku kacsan xukuumadda.
Magaalada Muqdisho ayaa laga bilaabay howgal lagu kala xiray wadooyinkii magaalada oo maamulka G/banaadir uu sheegay in lagu sugayo amniga, iyadoo uu ciriiri galay isu socodkii dadka iyo ganacsiga.