Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda ee Itoobiya Tedros Adhanom ayaa laga yaabaa in maanta loo doorto madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.
Tedros ayay is hayaan Labo murashax oo kale, doorashaduna waxay ka dhacaysaa xarunta ugu wayn ee hay’addan Qaramada Midoobay oo ku taalla Switzerland.
Doorashadan waxaa ka qaybgalaya ergo ka socota 194 dal ee xubnaha ka ah hay’addan oo mid kaste uu cod ka dhiiban doono. Labada murashax ee kale ee ay is hayaan ayaa kala ah David Nabarro oo reer UK ah iyo Sania Nishtar oo ah wasiirkii hore ee caafimaadka ee dalka Pakistan.
Murashaxnimada Tedros waxaa taageeray ururuka Midawga Afrika laakiin muran la’aan ma ahayn. Waxaa lagu eedeeyay in uu qarinayo saddex jeer oo Itoobiya uu ka dilaacday daacuun, laakiin dadka taageersan ayaa sheegay in ay tahay iskuday si ula kac ah loogu curyaaminayo.
Kooxo ka mid ah mucaaradka Itoobiya ayaa si wayn uga soo horjeedaan Tedros. Waxayna ku eedeeyeen in dawladda Itoobiya ay gaysanayso tacadiyo xuquuqda aadanaha ka dhan ah ayna rumaysan yihiin in ay dawladu codka WHO ku doonayso in ay sare ugu qaaddo heerka Dublamaasiyaddeeda.
Kulan Isniintii dhacay oo hay’adda WHO lahaydna waxaa carqaladeeyay dad mudaaharaadayay oo ku qaylyayay Tedrod, dadkaas ayaa ku sugnaa meel balakoon ah oo aan ka fogayn dhismaha uu kulanku ka dhacayay.