Tuesday, June 24, 2025

Wasiirkii labaad ee ka tirsan dowladda Soomaaliya oo looga adkaaday Kursi Xildhibaan

Wasiirkii labaad ee ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa looga adkaaday kursiga Aqalka hoose ee Baarlamaanka, kadib doorasho ka dhacday magaalada Cadaado.

Wasiirada Haweenka iyo xuquuqda aadanaha Soomaliya Sahra Maxamed Cali Samatar ayaa looga guuleystay kursiga beesha Tumaal oo ay kula tartameysay xildhibaan Yuusuf Xeyle Jimcaale iy Khadiijo Xaashi Gacal.

yusufxeyleeYuusuf Xeyle Jimcaale ayaa ku guuleystay Kursiga Aqalka Hoose, waxaana tartamka ka baaqsaday oo laga waayay wasiiradda Sahra Maxamed Cali Samatar. Lama shaacin sabbata keentay in ay ka maqnaato goobta, waxayse wararku sheegayaan inay isaga hartay markii ay xaaladda qiimeysay.

Yuusuf Xeyle ayaa helay 48 cod, halka Khadiijo Xaashi gacal oo aheyd ay heshay 2-cod, iyadoo mid ka mid ah ergada wax dooraneysay uu goobta ka maqnaa.

Dhinaca akle Xildhibaan  Maryan Cariif Qaasim ayaa mar kale ku soo laabtay baarlamaanka, waxaana sidaas oo kale soo laabtay Naciima Maxamed Gacal oo labadaba hore u mid ahaa Baarlamaanka waqtigiisu dhammaaday.

Wasiirka maaliyadda Maxamed Ibraahim (Fargeeti) ayaa looga adkaaday tartan adag kursigii beeshiisa Disow ee ka dhacay magaalada Baydhaba, waxaana la joojiyay doorasho looga takhakusi lahaa Wasiir Dhalinyarada markii ay shaqaaqo ka dhacay wareegii koowaad ee kursigaasi.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON