Wasiirkii Maalgashiga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Jabuuti Ali Geulleh Aboubaker ayaa u geriyooday cudurka Coronavirus, kadib markii uu la xanuunsanaa cudurkan.
Waxaa tacsi u diray Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo si gaara uu ula shaqeynayay muddooyinkii danbe intii u kusoo biiray dowladda Jabuuti, kadib heshiiskii jabhada Cafarta lala galay.
Ali Geulleh wuxuu ka mid ahaa asaasayaashii jabhadii la dagaalantay 1991-kii dowladdii Waqtigaas uu hogaaminayay madaxweyne Hassan Guuled Abtidoon, ujeedkii ugu Weynaa ee dagaalkan ayaa waxa uu ahaa sidii aay Canfarta saami culus uga heli lahayd dowladda Jabuuti.
Masuuliyiinta jabhadii Cafarta ee Frud ayaa aqbalay wadahadal ay la galaan dowladda Jabuuti, kaasoo ugu dambeyntii keenay heshiiskii Ambaaca 26 Desembar 1994-kii la saxiixay.
Kadib heshiiskaas waxaa Ali Geulleh loo magaacabay madaxa xafiiska madaxweyne Jabuuti oo uu 17 maamulayay sidoo kale sanadkii 2016-kii waxaa uu noqday madaxii ololaha doorashadii madaxweyne Imaaciil Guleed oo markii uu guuleystay 2016-kii loo magacaabay wasirka malgashiga madaxtooyada Jabuuti .
Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa ku amaanay marxuumka doorkii uu ku laaha nabadda iyo horomarka dalka Jabuuti.