Wasiirkii Maaliyada Maamulka Galmudug Cali Siciid Cumar Ibraahim ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay inuu iska Casilay Xilka.
Warka ayaa sheegaya in wasiir Cali Saciid uu banneeyay xilka Wasiirnimo ee Wasaaradda Maaliyada arrimo khilaaf dhinaca maamulka ah. laakiin qoraalka is casilaadiisa ayuu ku sheegay inuu isu casilay arrimo shaqsi ah.
Sababta uu isu casilay ayaa lagu sheegay inay ka danbeysay is-heysad ka dhex taagnaa Wasiirka is casilay iyo Madaxweynaha Galmudug.
Goobjooge.com