Tuesday, June 24, 2025

Wasiirkii Saddexaad oo ku dhawaaqay inuu u sharxan yahay Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Iyadoo ay sii kordhayaan musharixiinta u taagan xilka guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa waxaa musharaxnimadiisa shaaciyay wasiirkii saddexaad ee ka tirsan xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Wasaarada Tamarta & Biyaha xukuumadda Soomaaliya Prof. Saalim Caliyow Ibrow oo ka tirsan Baarlamaanka fedeaalka ayaa isna maanta ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee uu banneeyay Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Prof. Saalim ayaa ka mida aqoonyahanadda khibradda leh ee Baarlamaanka ku jira, wuxuuna arrimo badan uga mid yahay gudoomiyihii is casilay, iyadoo la sheegay inuu taageero ka heysto xildhibaano badan.

Ololaha loogu jiro xilka guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa sii xoogeystay, waxaan isla maanta inuu musharax yahay shaaciyey wasiirka Gaashaandhigga, hore waxaa musharaxnimadiisa u sheegay Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo ka mida golaha Wasiirada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON