Tuesday, June 24, 2025

Wasiiro ka tirsan Dalalka Soomaaliya iyo Qatar oo kulan gaara yeeshay

Wasiiro ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa kulan ku yeeshay magaalada Abidjan ee dalka Ivorycoast.

Wasiiru dowlayaasha dalalka Soomaaliya iyo Qatar ayaa kulan barbar socda shirka wasiirada arrimaha dibadda dalalka islaamka ee 44-aad ee kasocda magaalada Abidjan, iyadoo looga hadlay xiriirka labada dal iyo khilaafka ka taagan Khaliijka.

Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Qatar Suldan Bin Sacad iyo dhiggiisa Soomaaliya C/qaadir Axmed Kheyre ayaa wasiirka Qatar wuxuu dhigiisa Soomaaliya u sharxay xaaladda ka taagan dalalka Khaliijka iyo xayiraadda la saaray dalka Qatar dhibaatooyinka ay geysatay.

Soomaaliya ayaa dhexdhexaad ka noqotay khilaafka ka dhaxeeya dalalka Khaliijka, arrintaas oo dowladda Qatar ay si weyn u soo dhoweysay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON