Tuesday, June 24, 2025

Wasiiro ka tirsan xukuumadda oo loo magacaabay Guddiga Doorashada 2016 [Akhriso Magacyada]

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay Guddiga Doorashooyinka Dalka ee heer federaal oo ka Kooban 22 Xubnood, isagoo la wadaagay beesha caalamka.

Guddigan  ayaa ka kooban 5 Wasiir oo ka tirsan Xukumadda Soomaaliya iyo wakiilo ka socda Xafiisyada Madaxtooyada, Guddoonka Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya. Waxaa kaloo guddiga ka mida min 2 xubnood oo ay soo magacaabeen madaxweynayaasha maamul Goboleedyada dalka.

Xubnaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ee guddigan ka mida ayaa kala ah:

Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa

Wasiirka Caddaaladda C/llaahi Axmed Jaamac Ilka jiir

Wasiirka Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)

Wasiirka Dastuurka Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen

Wasiirka Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka Sahra Maxamed Cali.

Guddigan ayaa gebi ahaantiisba ah wasiiro federaal iyo wasiiro maamul goboleed oo shaki la gelin karo sida ay ku noqon karaan guddi doorasho oo madax bannaan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON