Shir aan hore loo arag ayaa qolka VIP-da ee Garoonka diyaaradaha Muqdisho ku dhex maray wasiiro ka tirsan xukuumadda Federaalka iyo madaxda Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.
Shirkan waxaa soo qabanqaabiyey Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, waxaana ku wehliyay Wasiirada Gadiidka iyo duulista, Wasiirka Qorsheynta, wasiirka Ganacsiga iyo xubno kale, halka dhinaca kale ay ka qeyb galeen Madaxda xafiiska Qaramada midoobay ee Somaliya sida Michael Keating iyo Xubnaha xafiiskiisa ka shaqeeya.
Shirka ayaa ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta Q/Midoobay iyo Dowladda Federaalka, bixinta Canshuuraha waajibka ah, sugidda Amniga, dib u eegista heshiiska SOMA iyo in wada jir looga shaqeeyk qorshayaasha guud ee labada dhinac.
Wakiilka Q.Midoobay ee Soomaliya Michael Keating ayaa u mahadceliyay Wasiirka Maaliyadda Dr. Bayleh iyo qaabka uu usoo agaasimay shirka, isagoo balan qaaday in Q/Midoobay ay si dhow ula shaqeyn doonto hey’adaha kala duwan ee Dowladda.
Sidoo kale Wasiirka W.Maaliyadda Soomaaliya Md Cabdiraxman Ducaale ayaa ka dalbaday Madaxda Q/Midoobay in ay Dowladda kala shaqeeyaan kor u qaadida Dakhliga Dalka oo la doonayo sanad kaan 2018 inuu ka badnaado sanadii hore. Gabagabadii shirka ayaa waxaa lagu magacaabay guddi labada dhinac ah oo ka wada shaqeyn doona dib u eegista heshiiska SOMA.