Saturday, July 12, 2025

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya & Wakiilada Beesha caalamka oo gaaray Jowhar

Wafdi ka socda xukuumadda ederaalka Soomaaliya iyo wakiilo metelaya Beesha Caalamka ayaa galabta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle.

Wafdiga xukuumadda waxaa ka mida: Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa, Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow (Ducaale), Wasiirka Waxbarashada, Wasiirka Caafimaadka, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta, wasiir ku xigeenka dekadaha iyo xubno kale.

Waxaa kaloo magaalada Jowhar tegay xubno ka socday wakiilada Beesha Caalamka, urur goboleedka IGAD iyo xubno ka socday African Union, waxayna dhammaan mas’uuliyiintan korjoogto ka noqon doonaan doorashada madaxweynaha Hirshabeelle ee berrito ka dhici doonta Jowhar.

Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Juxa ayaa markii ay ka degaan magaalada Jowhar  shaaciyay in Dowladda Federaalka ay dhexdhexaad ka tahay Doorashada, islamarkaana aysan jirin Musharax gaar ah oo ay taageersan tahay ama si gooni ah u wadato.

Qabanqaabadii ugu danbeysay doorashada madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa berri dhaceysa iyadoo 8 musharax ay xilkaasi u taagan yihiin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON