Sunday, July 6, 2025

Wasiirrad Ingiriis ah oo dhowr jeer timid Muqdisho oo isu casishay fadeexad ka dhalatay Israa’iil

Priti Patel ayaa iska casishay wasiirka horumarka caalamiga ah ee UK iyadoo bartanka lagaga jiro dooda kulanka aan loo fasixin ee ay la yeelatay masuuliyiinta Israa’iil.

Waxaa laga dalbaday in ay ka soo laabato safar shaqo oo rasmi ah oo ay Afrika ku joogtay, Ra’iisulwasaaraha ayaana ugu yeertay xafiiskeeda Downing Street si arrintan wax looga waydiiyo.

Waraaqda is casilaadda ah ee ay qortay Patel waxay ku sheegtay in ficilkeedu “uu ka hoos maray heerkii daahfurnaanta ee ay u ol’olayn jiray, dhiirigalin jirtayna”.

Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegtay in ay qaadatay go’aan “sax ah” iyadoo ay faahfaahin dheeraad ah ka soo baxeen arrintan”.

Patel ayaa raali galisay Ra’iisulwasaare Theresa May Isniintii ka dib markii ay soo baxday in ay kulan aan loo fasixin la yeelatay bishii Agoosto siyaasiyiin reer Israa’iil ah oo uu ka mid yahay ra’iisulwasaare Benjamin Netanyahu.

Laakiin intaas ka dib waxaa soo baxday in ay labo kulan oo kale gashay iyadoo aysan wehelin masuuliyiinta dawladda UK, bishii Sabtembar. Haweeneydan ayaa dhow jeer timid magaalada Muqdisho iyadoo saxaafadda kala hadashay gargaarka UK siiso Soomaaliya.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON