Monday, June 23, 2025

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada oo weerarkii ugu weynaa ku qaaday Madaxweyne Farmaajo [Akhriso]

Wasiiru dowlihii madaxtooyada Soomaaliya ee xukuumadda waqtigeedu dhammaaday Mahad Maxamed Salaad ayaa weerar kululu ku qaaday madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa FB ayuu uga hadlay isbedelka ku dhacay madaxweyne Frnmaajo iyo balanqaadyadii uu sameeyay intii uu ololaha doorashada ku jiray. Wasiir Mahad ayaa ka mid ahaa gacan-yareyaasha madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA WASIIR MAHAD

Ad

SIYAASAD AAN LAHAYN ISLA XISAABTAN IYO KOR JOOGTEYN AYAA SOOMAALIYA DHIGTAY MEESHA AY TAALO MAANTA. Bal waxyar ila milicso balan qaadyadii Madaxda Qaranka intii aan la dooran!

1. Dad inta la isku qarxiyo inaan tacsi lasoo istaagno ma ahan ee waa inaan cadowga meeesha uu joogo dagaal kula galnaa.!

• Waxay dhashay darsin darsin inta dadku ulle’daan inaan juuqna laga dhahin. Cadow meel uu joogo oo loogu tago iska dhaafe!

- Advertisement -

2. Musuq Maasuqa waan la dagaaleynaa. Dowladeenana waxay noqoneysaa Dowlad ku dhisan hufnaan, isla xisaabtan iyo ilaalinta danta Dalka iyo Dadka!

• Iyadana waxay dhashay lacagtaan hadiyad ahaan ayaa la iigu keenay! TOLOW HADIYADI MAXAY TAHAY?!.

3. Madaxbaanina dalkeena waa muqadas mana ogolaaneyno faragelin shisheeye nuuc waliba oo ay ahaataba!

• Iyadana maanta waxay dhashay Madaxweyne Dal kale isagoo aan Dowlada Soomaaliya la soo socodsiin inta yimaado Degmooyinka Dalka qaar kamid ah, in ololo dib u doorashadiisa la xiriira uu ku qabto. Dowladeenana aysan juuq ka dhihin!

- Advertisement -

4. Xildhibaanadii Qaranka ee mas’uuliyadoodu ahayd KOR JOOGTEYNTA IYO LA XISAABTANKA MADAXDANA waxay mashquul ku yihiin aniga hadaan hadlo liiska Wasiirada soo socda ayaa la’iga tirayaa!

• War calaf ayaa la cunaa ee Dalkaan iyo Dadkaan mas’uuliyada naga saaran aan gudano. Mahadsanidiin.

AFEEF: Qoraalkaan mucaaradnimo igama ahan ee waa toosin. Waana in Madaxdeena dib isku saxdaa si danta Dalka iyo Dadka loo gaaro. Mahadsanidiin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON