Friday, June 27, 2025

Weerar Bam oo lagu qaaday ciidamo ku sugnaa Bar kontrol Magaalada Muqdisho..

Weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed ayaa lagu qaaday bar ay ciidamada Booliska ku sugnaayeen, magaalada Muqdisho.

Koox wadatay Mooto Bajaaj ayaa weerarkan ku qaaday ciidamo ku sugnaa jidka isku xira Isgoysyada Maanabolyo iyo Afarta Jardino, waxayna dableyda weerarka geysatay u baxsaday dhinaca isgooska Afarta Jardiino.

Wararka ayaa sheegay in Qaraxa ay ku dhawacmeen afar qof oo laba ka mida ay ahaayeen askar ka tirsan ciidamada iyo labo qof oo shacab ah, kuwaasoo halkaasi marayey marka qaraxu dhacay.

Qaraxyada iyo weerarrada ka dhaca Muqdisho waxaa inta badan sheegta kooxda Alshabaab oo dagaal kula jira dowladda Federaalka iyo AMISOM.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON