Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xmaamulka Hirshabele ayaa sheegaya in weerar loo adeegsaday Bam gacmeed lagu qaaday Guri ku yaalla magaalada oo la sheegay inay degenaayeen Xildhibaanno ka tiran Baarlamaanka Hirshabeelle.
Qarax weyn oo Bamka dhaliyey ayaa ka dhacay Guriga oo ku yaalla xaafadda Hantiwadaag ee magaalada Jowhar, waxaana wararkii ugu danbeeyay ay sheegayaan in qaraxa uu dhaawacay Saddex xildhibaan oo ka tirsan xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle.
Xildhibaannada qaraxa Bam ku dhaawacmay ayaa magacyadooda lagu sheegay: Duwane Faarax Cali, Aadan Barre iyo Cusmaan Cabdulahi. Dhaawacyadooda ayaa la sheegay inay qaarkood fudud yihiin.
Qaraxa kadib ayaa waxaa magaalada laga maqlay rasaas xoog leh oo ay rideen ciidamada amniga iyo ilaalada guriga la weerarray, waxaana dadka degaanka ay sheegeen inay maqlayeen qarax iyo rasaas badan oo isku dhacay.
Magaalada Jowhar waxaa xilligan ku sugan musharixiin fara badan oo u taagan kuraasta Aqalka sare, siyaasiyiin iyo xubno la socda, waxaana magaalada ku laabtay madaxda Hirshabelle iyo xildhibaannada maamulkaasi oo inta badan ku sugnaa magaalada Muqdisho
Ciidamada Amniga magaalada Jowhar ayaa la sheegay inay bilaabeen dhaqdhaqaaq lagu raadinayo dadkii ka danbeeyay weerarka caawa ka dhacay magaalada Jowhar.
