Weerar Duqeyn ah oo lagu dilay maleeshiyo & Saraakiil Ajaaniib ah oo ka tirsan Alshabaab [Akhriso]

Howlgal ay Ciidamada Mareykanka ka fuliyeen degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ayaa la sheegay in lagu dilay xubno ka tirsan Alshabaab, kadib weerar duqeyn ah oo lagu qaaday xarun ay Al-Shabaab ku tababaranayeen.

Sida uu sheegay aliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Cali Maxamed Maxamuud (Bog-madow) Ciidamada Danab oo taageero ka helaya ciidamo Mareykan ah ayaa weerar qorsheysan ku qaaday Xarun tababar oo Al-shabaab ay ku lahaayeen Degmada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Howlgalka ayaa la sheegay in lagu dilay in ku dhow 30 Maleeshiyo oo ay ku jiraan  4 Sarkaal  oo ka tirsan Al-shabaab. Waxaana la sheegay in qaar ka mida dadkii howgalkaasi ku dhintay ay ahaayeen Ajaanib ka barbar dagaalanta kooxda Al-Shabaab.

Ad

Magacyada Saraakiisha Ajaanibta ah ee lagu dilay howlgalkii Jilib ayaa lagu sheegay:  Aweys Abu Xamza oo u dhashay dalka Suuriya iyo Hassan AlQayadi (Abu Yaxya) oo kasoo jeeda dalka Liibiya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

120,753FansLike
798FollowersFollow
2,965FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!