Monday, June 23, 2025

Weerar Gaadmo ah oo lagu sarkaal iyo Askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya

Kooxda Alshabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka  duleedka magaalada Buurkhakaba, iyadoo ay halkaasi qasaare dhimasho iyo dhaawac ah ka dhaceen.

Askar ka tirsan ciidamada dowladda oo uu ka mid yahay sarkaal ciidan ayaa lagu dilay weerarka gaadmada ahaa, wuxuuna weerarka ka dhacay inta u dhaxeysa Baydhaba iyo Buur-hakaba ee gobolka Bay, iyadoo ciidamadaasi ay galbinayeen shixnad Qaad ah.

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa xaqiijiyey weerarka iyo qasaaraha gaaray ciidamada dowladda, iyadoo aan la sheegin qasaare soo gaaray ciidamadii Alshabaab ee weerarka qaaday.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON