Weerar is-miidamin ah ayaa ka dhacay degaanka Yaaq-bari-weyne ee ka tirsan ee Gobolka Sh/hoose, iyadoo lala beegsaday ciidamo uu wato Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo muddooyinkii halkaasi ku sugnaa.
Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerarka qaraxa iyo mid toos ah oo kusoo qaadeen Alshabaab, isla markaana ay dhinacooda soo gaareen dhaawacyo, balse aanay jirin wax dhimasho ah.
Wuxuu intaas ku daray in muddo saddex maalmood ah ay dagaallo toos ah kula jiraan Alshabaab, isla markaana ay shan maleeshiyo ka dileen dagaalkii ay Sabtidii la galeen Ashabaab.
Alshabaab ayaa sheegtay weerarka is-miidaaminta ah, waxayna sheegeen inay ku dileen ilaa 20 ka tirsan maleeshiyo uu hoggaamiyo Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, kaasoo bartilmaameed u ahaa weerarka.