Friday, June 27, 2025

Weerar ka dhacay Gobolka Bay oo lagu dilay dagaalameyaal ka tirsan Alshabaab, qaarna lagu qabtay

Wararka laga helayo Gobolka Bay ayaa sheegaya in dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab lagu dilay howlgal ay qaadeen ciidamada dowladda.

Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in weerarka qorsheysan lagu qaaday degaan ka tirsan degmada Buurhakaba ee gobolka Bay oo ay ku dhuumaalaysan jireeen  Alshabaab.

Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab ayaa lagu dilay weerarkaasi, isla markaana gacanta lagu dhigay kuwo kale sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka maamulka Koonfur Galbeed Nuura Diin Abuukar.

Ma’uusan sheegin inta ay la egtahay tirada Shabaabka lagu dilay howlgaladaasi,balse wuxuu xusay in ay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac iyo tiro kale oo nolol lagu qabtay.

Deegaanada howlgaladaasi ay ciidamadu ka sameeyeen ayaa hoostaga degmada Buurhakaba ee Gobolka Bay gaar ahaan wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo ,halkaasi oo muddooyinkii ugu dambeyeey Shabaab ay ka bilaabeen in shacabku ay waddadaasi ay ku dhibaateeyaan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON