Wednesday, June 25, 2025

Weerar lagu gubay 10 tuulo, laguna qafaashay dad fara badan oo Alshabaab ku qaaday Sh/Hoose

Weerarro kooxda Alshabaab ku qaaday degaano ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in tuulooyin badan lagu gubay, isla markaana lagu qafaashay dad  rayid ah.

Al-shabaab ayaa xalay weerar saf ballaaran ah ku qaaday degaanada Laanta-buur iyo No. 50, waxaana dagaal ku dhex maray ciidamada dowladda  iyo kuwa AMISOM.

In ka badan 10 tuuulo ayaa lasoo weriyay inay Alshabaab gubeen, isla markaana ay nolosha ku wateen dad ku dhow 40 qof oo rayid ah, waxayna dib uga gurteen degaanadii ay weerarka ku qaadeen.

Dagaal u dhaxeeya ciidamada Alshabaab iyo kuwa dowladda oo garab ka helaya AMISOM ayaa ka dhacay meelaha qaarkood, siiba No, 50, waxaana la sheegay in qasaare badan oo naf iyo maal ah uu ka dhashay dagaalka.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON