Tuesday, June 24, 2025

Weerar lagu qaaday Saldhig milateri oo lagu dilay ciidamo ka badan 100 askari

In ka badan 100 askari oo Afghanistaaniyiin ah ayaa lagu dilay amaba lagu dhaawacay weerrar uu Ururka Taalibaan Jimcihii ku ekeeyay saldhig uu leeyahay milateriga dalkaasi, waxaa sidaasi xaqiijisay Wasaaradda Gaashaandhigga Afghanistan.

Dagaalka ayaa dhowr saacadood waxa uu ka socday magaalada Mazar-e-Sharif ee gobolka Balkh ee waqooyiga dalka.

Taalibaan ayaa salaadda Jimcaha kaddib waxa ay bartilmaameed ka dhigateen dad markaa un ka soo baxay masjid ku yaal saldhigga iyo kuwo kale oo ku sugnaa makhaayad, waxaa sidaa sheegay milateriga.

Bayaan uu soo saaray ururka Taalibaan ayuu ku sheegay inay qaadeen weerrarka, iyagoo adeegsanaya dad ismiidaamiyay si ay uga gudbaan difaaca meesha yaallay.

Qiyaas horay u soo baxday ayaa tirada dhimashada gaarsiisay ilaa 134, hasayeeshee bayaan Sabtidii ka soo baxay wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 100 askari ay ama ku dhinteen amaba ku dhaawacmeen weerrarka.

Ugu yaraan 10 ka tirsan maleeshiyaadka Taalibaan ayaa lagu dilay dagaalka halka midna nolosha lagu qabtay oo la xiray.

Dagaalyahannada Taalibaan ayaa soo xirtay dareeska milateriga waxa ayna ka soo gudbeen baraha koontorool ee u yaallay milateriga ka hor inta aanay weerrarka fulin, waxaa sidaasi sheegay afhayeen u hadlay milateriga.

SourceBBC

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON