Weerar la sheegay inuu yahay mid aragagixiso ayaa ka dhacay dalka Sweden kadib markii gaari weyn la jiirsiiyay dadweyn ku sugnaa wado ay dadku ku badan yihiin.
Ugu yaraan laba qof ayaa lagu dilay tiro kalena waa lagu dhaawacay weerar gaari xamuul ah loo adeegsaday oo lagu jiiray wado mashquul badan oo oo ku taalla bartamaha magaalada Stockholm ee dalka Sweden.
Booliska Sweden ayaa sheegay in la xiray wado subway ah oo ku dhow goobta weerarku ka dhacay, sida laga soo xigtay afhayeenkac ciidamada Booliska.
Ciidamo fara badan oo boolis ah ayaa tegay goobta, waxaana la arkayay meydad wadadda yaalla, waxaana socda baaritaan ku saabsan weerarka oo la sheegay inuu yahay mid argagixiso.




