Wararka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeelle ayaa sheegaya in qarax uu caawa ka dhacay magaaladaasi.
Qarax ayaa la sheegay inuu ahaa Bambo balse aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa ruxay magaalada salaadii Cishaha kadib, waxaana la sheegaya in baaritaan lagu hayo.
Wararka ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay xaafada Hantiwadaag ee Magaalada Jowhar, kaasoo ahaa Bambo gacmeed lagu weeraray Guri uu deganaa sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada.
Weli lama oga qasaaraha qaraxan, iyadoo dhowaan qarax noocan oo kale ah lagu dilay magaalada Jowhar taliyihii ciidamada Booliska Shabeelada Dhexe.
Ciidanka Amaanka Magaaladaasi ayaa tegay goobta qaraxa lala beegsaday waxaana ay wadaan baaritaan ku saabsan qaraxa.
LA SOCO FAAHFAAHINTA…
Goobjooge.com