Saturday, July 12, 2025

Weerarkii Ruushka ee dalka Ukraine oo bilowday iyo Qaraxyo ka dhacaya Magaalooyinka dalkaasi

Ciidamada Ruushka ayaa Dagaal ku qaaday dalka Ukraine, iyagoo bilaabay howlgal Milatari oo madaxwweyaha Ruushku ku dhawaqay xilligii hore ee Saaka waqtiga dalkaasi 05:50.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa ku dhawaaqay howlgalka Milateri ee ka bilowday Gobolka Donbas ee dalka Ukraine, waxaana daqiiqado gudaheed laga maqlay magaalooyinka caasimadda ah ee Kiev iyo magaalooyinka Kramatorsk ee bartamaha Ukraine iyo Odessa oo ku taal koonfurta dalkaasi.

Madaxweynaha Ruushaka ayaa yiri: “Waxaan go’aansaday in aan qaado hawlgal milatari oo gaar ah. Ruushku ma jiri karo iyadoo khatar joogta ah oo ka imanaysa dhulka Ukraine. ma jirto wax fursad ah oo aan ahayn inaan dadkeena difaacno”

Waxaa xilligan socda weerarka Ruushka oo in muddo ah la filayey inuu ku qaado dalka Ukraine, iyadoo magaalooyin dhowr ah ay ka dhacayaan Qaraxyo waaweyn oo qaarkood la sheegay inay yihiin Gantaallo ka yimid ciidamada Ruushka.

Ruushka ayaa duqeynaya saldhigyada waaweyn ee ciidamada Ukrainę, waxaana uu adeegsanaya Gantaallo culus, waxaana dadka Ukraina laga codsaday inay galaan Difaacyada Dhulka hoostiisa ka qodan.

Ciidamada Badda Ruushka ayaa la sheegay inay daqiiqadihii ugu danbeeyay ka degaan xeebaha magaalooyin ka tirsan Dalka Ukraine ee Odesa iyo Maribol, waxaa sidoo kale gubanaya Saldhigyo dhowr ah oo ay leeyihiin ciidamada Ukriane oo Ruushku duqeeyay, iyadoo la beegsanayo Bakhaarada Hubka iyo Saanadda ciidamada Ukrainę.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana fadhi degdeg yeeshay Golaha Amniga Qaramada Midoobay ee magaalada New York, kaasoo looga hadlayo xaaladda Ukraine iyo weerarka uu Ruushku ku qaaday.

Xalay Xilli danbe ayuu Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa wacad ku maray in dadka Ukraine ay ‘la dagaalami doonaan’ haddii Ruushku ku dhaqaaqo inuu ku qaado duulaan buuxa.

Madaxweyne Zelenskyy oo khudbad qiiro leh ka jeediyay taleefishinka caawa ayaa yiri: ‘Dadka Ukraine iyo dowladda ay is difaacayaan, mana jirto wax kale oo u furan.”.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON