Taariikhda weerarrada argagixiso ee ugu waaweynaa uguna dhimashada badnaa Dunida waxaa markii ugu horeysay kaalimaha hore kasoo galay Qaraxii weynaa ee 14-kii Oktoobar 2017 ka dhacay Isgoyska Soope ee magaalada Muqdisho.
Weerarkii Muqdisho oo ay ku dhinteen 358 qof ayaa kaalinta shanaad hadda ka galay liiskaasi madow oo uu ugu horeeyo weerarradii 11-ka September ee lagu qaaday dalka Mareykanka.
 
Hoos ka akhriso liiska weerarradii Argagixiso ee ugu waaweynaa dunida iyo kaalinta uu ka galay Qaraxii Muqdisho
Kaalinta | Dadka ku dhintay | Magaca weerarka | Goobta uu ka dhacay | Taariikhda |
---|---|---|---|---|
1 | 2,996 | Weerarradii September 11 | New York City Arlington County, Virginia Stonycreek Township near Shanksville, Pennsylvania | 2001, Sep 11 |
2 | 500 | Duqeyntii 2007 ee bulshada Yazidi | Kahtaniya and Adnaniyah | 2007, Aug 14 |
3 | 449 | Weerro ka dahcay Ciraaq May 2013 | Across Iraq | 2013 |
4 | 422 | Dabkii Shineemada Rex | Abadan, Iran | 1978 |
5 | 400 | Xasuuuqii Trujillo | Trujillo, Valle del Cauca | 1990 |
6 | 389 | Weerarradii hareeyay Ciraaq July 2013 | Across Iraq | 2013 |
7 | 385 | Dadkii lagu Afduubay Iskuulka Beslan | Beslan, Russia | 2004 |
8 | 358 | Qarixii lahu hoobtay ee Muqdisho | Mogadishu, Somalia | 2017 |
8 | 341 | Qaraxyadii Xaafadda Karraada ee 2016 | Baghdad, Iraq | 2016 |
9 | 336+ | Weerarkii 2014 ee Gamboru | Gamboru and Ngala in Borno State, Nigeria | 2014 |
10 | 329 | Bamkii lagu qarxiyay Diyaaradii Air India Flight 182 | Hawada dalka Irish Atlantic | 1985 |
12 | 307 | Â Qaraxyadii 1983 ee Beirut | Â Beirut, Lebanon | 1983 |
13 | 293 | Daarihii Ruushka ee la qarxiyay | Moscow, Volgodonsk, | 1999 |
14 | 270 | Qarxintii diyaaradii Pan Am Flight 103 | Hawada Lockerbie, Scotland | 1988 |
Waxaa xusid mudan in Qarixii Muqdisho ee 14-ka Oktoobar 2017 uu geli doono kaalinta 5-aad marka tirada dadka ku dhintay qaraxaasi lagu daro tirada lagu waayay oo gaareysa 56 qof.
DIYAARINTII GOOBJOOGE.NET